Загрузка страницы

Barkhad Abdi

Barkhaad Cabdi ayaa ah jilaa Soomaaliyeed oo lagu dhalay gobolka Banaadir ee dalka Soomaaliya. Markii uu jiray da’ada todobo sano, qooyskiisa ayaa ka soo qaxay Soomaaliya ayakoo u qaxeen dalka Yemen oo uu aabihiisa macalin iskuuleed ka ahaa.

Sanadkii 1999-kii, Barkhaad iyo qooyskiisa ayaa dib u dejin ka helay dalka Mareeykanka halkaasi oo ay ka degeen Minneapolis.

Barkhaad oo hataan ah jilaa caan ah ayaa ka soo baxay Jaamacada Minnesota State University Moorhead.

Jilaaga ayaa soo qabtay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin, gadhista moobeelada gacanta iyo darawalnimo taxi, ka hor inta uusan ku soo biirin jilitaanka.

Barkhaad ayaa soo shaac baxay sanadii 2013-kii kadib markii uu filimgiisa ugu horeeyey uu jilaa ka ahaa uu noqday mid ay dunida la dhacday.

Barkhaad ayaa filimka “Captain Phillips” ka ahaa hogaamiyaha burcad badeed qabsatay markab ay leedahay mareeykanka.

Jilaaga ayaa matalaayey Cabdiweli Muuse, oo la aaminsanyahay in uu ahaa hogaamiyaha burcad badeeda Soomaaliya.

Waxaa uu ka helay filimka mishaar ahaan lacag gaareeyso $65,000 oo dollar, balse Barkhaad ayaa ku laabtey dugaankii walaalkiisa uu horaanba ka shaqeeynaayey, jilitaankiisa kadib.

Jilaagaan Soomaaliyeed ayaa ku guuleeystay abaalmarinta BAFTA oo ka mid ah abaalmarinada ugu waweeyn ee dunida, dhanka aflaamta.

Barkhaad ayaa mar ay warbaahinta wareeysaneeysay sheekay in uu Soomaaliya ka heesto xusuuso wanagsan iyo kuwa aan wanaagsaneenba.

“Waxaan xasuustaa maalmihii nabada, ee ay Muqdisho bilicdeeda dadka soo jiidan jirtay. Waxaan sidoo kale xasuustaa markii dagaalku dhacay - habeenimadii uun bay fowdo isu rogtay. Dadka dhintay ayaa wadooyinka buux dhaafsheen, rasaastana waxay aheed mid aan kal joogsaneeyn," ayuu yiri Barkhaad.#s63somali #s63 #Wararkacalamka #Wararkamanta #Muqdisho

Видео Barkhad Abdi канала Studio63 Somali
Показать
Комментарии отсутствуют
Введите заголовок:

Введите адрес ссылки:

Введите адрес видео с YouTube:

Зарегистрируйтесь или войдите с
Информация о видео
8 октября 2020 г. 23:35:26
00:01:10
Яндекс.Метрика