Загрузка страницы

HEES | Yaxyax Iyo Xishood | Cabdi Tahliil |▪︎Original | Lyrics

Ereyadii : Maxamed Aadan Dacar
Laxankii : Cabdi Tahliil Warsame
1968

Lyrics
------------
Yuuqaba aday baday
Yulqanka iyo taahee
La igu kaa dul yookee
Wanaagana ma yeeshidee

Sideed iila yaabtaa ?
Yoon baad i galisee
..........................................
Yaxyax iyo xishood baa
Igu yuurursadaayoo
Jaceyl igu yoto'ay baa
Ii yeeranaayee

Yeedhiyo ugaadhaan
Xeryaha u yagleelaa
Yaca iyo atooraa
Aan yamaarug u daajaa

Yuuqaba aday baday
Yulqanka iyo taahee
La igu kaa dul yookee
Wanaagana ma yeeshidee

Sideed iila yaabtaa ?
Yoon baad i galisee
..............................................
Kalgaceyl yuhuunlihi
Yaryaraysi malahee
Yanyaboohiskaagaa
Yaayaale qaadinee

Yoociyo adoon noqon
Laan yicibahoo kale
Oo aan yu'ashadaydana
Waa yeelkadaa oran

Yabar baan ka heli lahaa
Hadaan dhagax u yeedhee

Sideed iila yaabtaa ?
Yoon baad i galisee
...........................................
Inta aan yur iri bahal
Yaacaaya waaqli i
Oon yeel ku xiray gari
Ama yacay kusoo raray

Hadaa tahay yag ii maqan
Oon yuree ku tiirsado
Igumaad yaqdhooteen
Adoo yaala haradee

Yaafyaafka iga daa
Waan kuu yahoomoo
La igu kaa dul yookee
Wanaagana ma yeeshidee

Sideed iila yaabtaa ?
Yoon baad i galisee

https://twitter.com/bashiir1960?s=09

Видео HEES | Yaxyax Iyo Xishood | Cabdi Tahliil |▪︎Original | Lyrics канала MAADEYS
Показать
Комментарии отсутствуют
Введите заголовок:

Введите адрес ссылки:

Введите адрес видео с YouTube:

Зарегистрируйтесь или войдите с
Информация о видео
21 октября 2020 г. 16:45:27
00:09:38
Яндекс.Метрика